Somalia: Dagaal ka dhacay duleedka Garbahaarey gobolka Gedo

Image

GARBAHAREY, Somalia - Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Federaalka Somalia oo garab ka helaya kuwa Ethiopia iyo Al shabaab ayaa saaka waxa uu ka dhacay duleedka degmada Garbahaarey, ee xrunta gobolk Gedo.

Iska-hor-imaadka ayaa billowday markii ay Ciidamada dowladda isku dhaceen Malleeshiyaad katirsan Al shabaab oo miinooyin ku aasayaya wadada dheer ee isku xirt deegaanka Birta-Dheer iyo Garbahaarey.

Cismaan Nuur Xaaji, oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha dhanka amniga maamulka gobolka Gedo ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in ugu yaraan 3 qof oo labada dhinac ah ay ku dhimatay dagaalka.

“Dagaalka wuxuu dhacay markii Ciidamada oo ku guda jira howlgal miino baaris ah inta u dhaxysa Birta Dheer iyo Garbahaarey, ay soo weeraray Al shabaab,” ayuu yiri Cismaan.

Wuxuu sheegay Cismaan in Al shabaab lagu jebiyay dagaalka, islamarkaana laga dilay labo dagaalyahyan, sidoo kalena laga dhaawacy tiro intaasi ka badan, kuwaasi oo qaarkood goobta looga cararay.

Dadk deegaanka Birta-Dheera ayaa xusay in ay maqlayeen rasaasta hubk culus iyo qaraxyo miino intii uu socday dagaalka, kaasi oo hakad geliyay isku socodkii Gaadiidka wadadka aada degmda Garbahaarey.

Al shabaab dhankooda wali kama aysan hadlin dagaalkan, balse Warbaahinta taageerta ayaa sheegtay in saddex Askari oo katirsanaa Ciidamada Ethiopia la dilay, kuwa kalena ay dhaawacmeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM