Somalia: Dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay Qansax-dheere

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Dagaal khasaaro xooggan dhaliyay ayaa ka dhacay deegaanka Qan-sax dheere ee gobolka Baay, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Somalia iyo mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab.

Saraakiil ku sugan Baay, ayaa warbaahinta gudaha u  xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku dhinteen in kabadan toban ruux labada dhinacba.

Isku dhaca Al Shabaab iyo ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Baay, ayaa yimid kadib markii jid-gooyo loo dhigay ciidamo doonayay inay furaan waddooyin ay go’doomiyeen kooxda xiriirka la leh Al Qaeda.

Sawirro lagasoo qaaday dagaalka dhex-maray labada dhinac ayaa muujiyay bur-bur xooggan oo ka dhashay madafiic labada dhinac is-weydaarsadeen.

Ururka Al dab qabadsiiyay qaar kamid ah dhismayaashii ku yaallay deegaanka uu dagaalku ka dhacay.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinac dowladda Federaalka Somalia, kaasoo ku aadan dagaalka Qansax-dheere.

Gobolka Baay, waxaa ku sugan mallayshiyaad katirsan Al Shabaab, kuwaasoo dhibaato laxaad leh ku haya shacabka, waxaana ay xireen jidad muhiim ah taasoo keentay in dad badan u dhintaan abaarta baahsan ee ka jirta dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM