​Somalia: Dagaal khasaaro sababay oo ka dhacay Iidaale, gobolka Baay

Image

BAYDHABO, Somalia- Ciidamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed Somalia, ayaa weerar ku qaaday fariisin mallayshiyaadka Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Iidaale oo katirsan gobolka Baay.

Iska hor-imaad dhexmaray labada dhinac ayaa sababay geerida 10 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaallamay.

Generaal Ibraahim Yarow oo ah taliyaha ciidanka xooga dalka ee qeybta Lixdanaad ayaa xaqiijiyay dagaalkaasi, wuxuuna sheegay in ay dileen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cara-Cas, ayaa xusay in weerarkaasi ahaa mid aan lagusii talo galin, wuxuuse sheegay inay dadaal ugu jiraan qaabkii Al Shabaab looga sifeyn lahaa gobolka.

“Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Koofur Galbeed waxay weerar qorsheysan oo gaadmo ah ku qaadeen nimankii Al Shabaab ahaa meel ay ka degenaayeen Iidaale, ayaga ma filaneyn, khasaare ayaga ayuu u badan yahay, dhimashada waa 7 qof ,”Ayuu yiri Cara-cas.

Ururka Al Shabaab kama hadlin dagaalkaasi.

Weerarkan ayaa yimid xilli ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Somalia gobolka Baay ka bilaabeen weeraro ka dhan ah kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM