​Somalia: Danjiraha Turkiga oo arrimo kala duwan ka hadlay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Danjire  Olgan Bekar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta safaaradda Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdishu, ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalka uga saartay shaqaalaha hey’adda Nile, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay ka wada shaqeeyeen labada dowladood ee Turkiga ee Soomaaliya.

Bekar ayaa sidoo kale dalka Somalia uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaadatay garab-istaagga iyo dhiiri galinta xukuumadda Madaxweyne Edogan, wuxuuna sheegay isagoo ballanqaaday inaysan waxba iska badali doonin adeegyadii ay haysay hay'adda wadaadka lala xiriirinayo inuu ka dambeeyay inqilaabkaasi ee Fethullah Gulan oo fadhigiisu yahay waddanka Maraykanka.

Wuxuu xusay in dhammaan waxbarashadii ay haysay hay'addaasi damaanadqaaday xukuumadda Ankara iyadoo kaashanaysa dowladda Somalia, halka bukaankii jiifay Cusbitalka Deva uu xusay in loo wareejiyay Ex Digfer.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa taageerada ay noo muujiyeen, iyo dibadbaxyada ay ku diidayeen inqilaabkii dhicisoobay, taasina waxey muujineysaa in xiriir qoto dheer uu u dhexeeyo labada dal,” Ayuu yiri Danjire  Olgan Bekar.

Wada-hadalka Somalia iyo Somaliland ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay inay dalka Somalia hal waji ku eegaan islamarkaana aysan joojinayn dadaallada lagu xallinayo kala aragti duwanaanta ka dhaxaysa labada dhinac.

Arrimo la hadal haya oo khuseeya inuu aqoonsaday Turkigu Passport-ka Somalia ayuu meesha ka saaray, isagoo tilmaamay in maamulka fadhigiisu yahay Hargaysa aysan wali ka jawaabin codsigoodii ahaan in la joojiyo Shaqooyinka hay'adda Nilce Academy.

“Soomaaliya waxaan ku eegnaa hal waji mana aqoonsanin baasaboorka maamulka Soomaaliland, Fiisooyinkana waxaan ku siinaa warqado, baasaboorkaasina wuxuu agteena ka yahay teestaro aqoonsi oo kale ah,” Sidaasi waxa shirkiisa Jaraa'id ku sheegay Olgen Bekar safiirka Turkiga ee Somalia.

Shirkan jaraa'id ee safiirka ayaa imaanaya xilli la baahiyay in waddankaasi aqoonsaday Passport-ka Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM