Somalia: Dibad baxyo ka dhacey magaalada Baladweyne

Image

BELEDWEYNE, Somalia -- Banaanbax looga soo horjeedo  dowladda federaalka ah ee Somalia, ayaa maanta wuxuu ka dhacay magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dibadbaxa oo ay ka qeyb galeen boqolaal, ayaa waxaa looga soo horjeeday qorshaha dowladda Somalia iyo IGAD ee maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.  

Odayaal dhaqan, siyaasiyiin, waxgarad, xildhibaanno hore iyo haween ayaa ka qeybgalay dibadbaxa Beledweyne, oo ah kii Labaad oo mudo todobaad ah ka dhaca magaaladaasi. 

"Boqolaal dadweyne kala duwan ayaa maanta isaga soo baxay wadooyinka Beledweyne, kuwaasi oo watay boorar ku qoran yihiin erayo ka dhan ah dowladda Somalia iyo IGAD," ayuu yiri qof kamid ah dibadbaxiyasha oo la hadlay GO.  

Odayaasha  soo abaabulay dibadbaxa ayaa waxay sheegeen in reer Hiiraan ay kasoo horjeedaan maamulka lagu dhisayo Jowhar, kaasi oo ay ku tilmaameen mid iska horkeenayo shacabka labada gobol.  

Dibadbaxa Beledweyne, ayaa kusoo beegmayo xilli dowladda Federaalka Somalia iyo IGAD ay wadaan qorsho dib loogu furayo shirka Jowhar, ee maamulka loogu samaynayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo tan iyo horaantii sanadkan Khilaaf uu hareeyay. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM