GEDO: Diyaaradaha dagaalka Kenya oo mar kale duqeeyay Saldhig Al shabaab

Image

GARBAHAAREY, Somalia - Diyaaradaha ciidanka difaaca dalka Kenya (KDF), ayaa Duqeyn ka fuliyay xalay fariisamo Al shabaab ay ku leedahay deegaan ku yaalla duleedka magaalada Garbahaarey, ee xarunta gobolka Gedo.

Wararka GO uu ka helayo Saraakiisha gobolka, ayaa sheegaya in duqeynta ay ka dhacday degaanka Kulbis oo qiyaastii 20KM dhanka Waqooyi uga beegan Degmada Garbahaarey, halkaasi oo Al Shabaab ay ku leedahay Saldhigyo ay ku tababarto malleeshiyaadkeeda cusub.

Ciidamada Kenya ayaa Duqeynta fuliyay kadib markii ay heleen Sirdoonkooda Macluumaad la xiriira in deegaankaasi ay Al shabaab ku qorsheynaysay weerar ka dhanka Fariisamaha KDF ay ku leeyihiin gobolka Gedo.

Militariga Kenya ayaa tilmaamay inay qiimeyn ku sameynayaan khasaaraha Al shabaab kasoo gaarey Duqeynta Diyaaradeed, islamarkaana ay dib ka fahfaahin doonaan. Al shabaab dhankeeda wali kama aysan hadlin weerarka, oo noqonaya midkii labaada oo Kulmis ka dhaca Mudo labo Todobaad.

Todobaadkii lasoo dhaafey, July 17, 2017, ayay KDF duqeeyeen Goob ay ku shirayeen hogaamiyaasha Al shabaab, oo ku taalla isla deegaanka Kulmis, waxaaya ay Saraakiisha ciidamada dowladda gobolka xaqiijiyeen in lagu dilay weerarkaasi 40 xubnood, oo saddex ajnabi ah ku jireen.

Ciidamada Kenya, ee qeybta ka ah AMISOM ayaa la kulmay weeraro Askar badan uga dhinteen, oo Al shabaab ku qaadey saldhigyadooda Ceel Cadde oo dhacay [January 15, 2016] iyo kii Kulbiyow oo isna January 2017 dhacay. Labada Deegaan waxay kawada tirsanyihiin gobolka Gedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM