Somalia: Duqayn ka dhacday Gobolka Gedo

Image

CEEL CADDE, Somalia - Diyaaradaha dagaalka Militariga Kenya ayaa xalay duqeyn cirka ah ka fuliyay saldhigyo Al Shabaab ku leeyihiin gobolka Gedo, sida dadka deegaanku u xaqiijiyeen GO.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka War-gaduud, oo qiyaastii 40KM dhanka galbeed uga beegan degmada Ceel Cadde, halkaas oo kooxdaasi ka abaabusho weerarrada ka dhaca Gedo.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa Warsidaha GO u sheegay in diyaaradaha Kenya ay fuliyeen weerarka, islamarkaana lala bartilmaameedsaday fariiso ay leeyihiin dagallamayaasha Shabaab.

Al shabaab ayaa hubka lidka diyaaradaha ku riday diyaaradaha Kenya ee soo weeraray deegaanka, mana la oga khasaaraha ka dhashay isku dhacay labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa loo diiday inay tagaan goobta weerarku ka dhacay.

Wararka aan ka helayno gobolka Gedo, ayaa sheegaya in wali dhowr diyaaradaha qumaatiga u kaca (Helicopters) ee ciidamada KDF dul-heehaabayeen saaka hawada deegaanada ku dhaw Ceel Cadde.

Al Shabaab wali kama aysan hadlin weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada cirka Kenya ayaa maalmo kahor duqeeyay nawaaxiga Ceel Cadde, kaasi oo Wasaaradda difaaca dalkaasi ay sheegtay in lagu dilay 153 katirsan dagaalyahannada Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM