Somalia: Duqeyn Cirka ah oo ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose

Image

TORATOROW, Somalia - Diyaarado Dagaal, oo loo maleynayo inay ku lug leeyihiin Ciidamada Mareykanka, ayaa Duqeyn dhanka cirka ah waxay ka fuliyeen Degmada Toora-Torow, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Diyaaradaha ay bartilmaameedsadeen dhowr Gobood, oo saldhigyo u ah Al shabaab, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Horjoogiyaal sare oo katirsan Kooxdan Jihaad-doonka ah.

Duqeynta ayaa dhacday Xalay Saqdii Dhexe, waxaana lagu soo waramayaa inay ay Khasaaro aan cadadkeeda la ogeyn ay gaarsiisay Al shabaab, sidoo kalena lagu burburiyay Bakhaar hub yaallay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha maamulka Shabeellaha Hoose, oo ku aadan weerarka, oo la sheegay in Diyaaradaha fuliyay kasoo duuleen Saldhigga Mareykanka ku leeyahay Balli-Doogle.

Duqeynta ayaa dhacday saacadi kadib markii Ciidamada Dowladda, iyo AMISOM oo taageero ka helaya Militariga Mareykanka ay Duulaan ku qaadeen Al shabaab-ka ku sugan Deegaanno ku yaalla gobolkaasi.

Al shabaab ayaa dib ugu laabtey isla shalay Goobihii laga saarey, oo ay kamid yihiin Bariire, Beledul-Amin, Mubarak, Janaale, oo dhamaantood ku yaalla inta u dhaxaysa Afgooye iyo Lambar-konton.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM