​Somalia: Gaari siday Shacab kasoo qaxay dagaalkii Bariire oo Miino la qaraxday

Image

MUQDISHU, Somalia- Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa soo gaaray qarax heleelay Baabuur nooca Somalidu u taqaano Hoomeyda oo siday dad kasoo qaxay dagaal  maanta ka dhacay tuulada Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka ku saabsan qaraxaas ayaa sheegaya inay dhinteen 7 qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa baabuurkaas oo gabi ahaanba gubtay.

Lama oga sababta loo beegsaday dadkaas shacabka ah, balse kooxda Al Shabaab ayaa wadooyinka ay isticmaalaan gawaarida dowladda ku aasa miinooyin, taasoo inta badan waxyeello kasoo gaarto dad rayid ah.

Dhinaca kale Ciidamada Huwanta ah ayaa qabsaday degaanka Bariire oo 14 km dhinaca koonfureed ka xiga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaal culus ayaa ka dhacay degaankaas ka hor inta aysan qabsan Ciidamada Soomaaliya, waxaana la is-weydaarsaday hub culus. Warar ayaa sheegaya inay ka qayb qaateen howlgalkaas lagu qabtay Bariire ciidamo Ajnabi.

Faahin dheeraad ah dowladdu kama bixin howlgalka iyo ujeedka ka dambeeya, xilli dhawaan kooxda Al Shabaab la wareegtay deegaanka oo ku wanaagsan dhinaca beeraha. Sanidihii u dambeeyay waxaa saldhig ku lahaa mallayshiyaad katirsan Al Shabaab iyo maxkamadu ay ku qaadaan dacwadaha.

Bishii May ee sanadkaan waxaa Bariire lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada Mariniska Mareykanka, ka dib weerar ay ku qaadeen iyagoo wehliya ciidamada Soomaaliya dhismo ay ku sugnaayeen saraakiil Al-shabaab ka tirsan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka qabsadaan al-Shabaab fariisimo  ay kaga suganyihiin gobolka Shabeelaha Hoose. Dhowr jeer ayey weeraro iyo howlgallo ciidamadaas huwanta ah ku qabsadeen deegaano ay ka mid yihin Janaale iyo Awdhiigle.

Goor sii horay xukuumadda Somalia ayaa sheegtay in deegaanka qabashadiisu  muhiim u yahay qorshah xasilinta Somalia, waxaana kooxda Al Shabaab lagu eedeeyay inay deegaanka iyo waliba Toratoorow kasoo maleegto falalka amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdishu.

Xaaladda Bariire ayaa iminka degan inkastoo ay jirto cabsi iyo wel-wel ay qabaan shacabka ku nool gobolka kuwaasoo muddooyinkii dambe daris la noqday dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM