​Gollaha Amniga oo mudo-kordhin u sameeyay AMISOM [AKHRI]

Image

NEW YORK, USA - Gollaha Amniga ee QM, ayaa mudo kordhin u sameeyay Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, oo 10 sano dalka kawada howlgal ka dhan ah Al Shabaab, kaasi oo weli guul laga gaarin.

Dowladaha Gollaha Amnga, oo ka kooban 15 dal, ayaa u codeyay qaraarka mudo kordhin AMISOM oo tirsigiisu yahay (21,626), kaasi oo ay isku raaceen in AMISOM sii joogto Somalia mudo 9 bilood oo dheeraad ah, ilaa laga gaarayo 31 May 2018.

Warbixin uu soo saarey Golluhu, ayaa lagu sheegay in wixii ka horeeyay 31 May 2018, si tar-tiib ah, loo saarayo Ciidamada AMISOM, iyadoo markiina Mas'uuliyadda amaanka lagu wareejinayo Ciidamada Xoogga dalka Somalia.

Tirada Askarta AMISOM ayaa la filayaa in la dhimo marka la gaaro 30 October 2018, xilligaasi oo laga dhigayo 20,626 (Labaatan Kun, Lix Boqol iyo Lix iyo Labaatan Kun), halka hadda ay ka yihiin 22,126 (Labo iyo Labaatan Kun, boqol iyo Labaatan iyo Lix Askari).

Qaraarkan ayaa dhigaya in AMISOM ay sii wado howlgalka iyo Tababarka Ciidamada Qaranka Somalia, illaa laga gaarayo waqtiga bixitaankooda, si aysan u dhicin marnaasho dhanka amaanka ah, oo Al shabaab loo siin fursad ay kusoo laabato.

Askar Boolis ah oo gaaraya 1,040 (Kun iyo Afartan Askari), ayaa baaqi kusii ahaan doono dalka, kuwaasi oo la talin iyo tababaro siin doono Booliska Somalia, sidoo kalena ilaalin doono Xafiiska kaalmeynta QM ee Somalia (UNSOM).

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia waxay ka kala socdaan Kenya, Burundi, Uganda, Ethiopia iyo Djibouti, kuwaasi oo ka howlgala gobollada Koonfurta iyo bartamaha wadanka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM