​Somalia: Guddiga doorashada oo ka hadlay walaaca musuqa doorashada

Image

MUQDISHU, Somalia- Gudiga Doorashooyinka dadban ee heerka Federaalka ah ee Somalia, ayaa sheegay inay aad uga feejigan yihiin Musuq-maasuq lagu sameeyo Doorashada Madaxweyne ee dalka oo dhici doonto November 30.

Cumar Maxamed Maxamed Cabdulle (Dhagey), Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Somalia, ayaa shaaciyay inay dejiyeen sharuuc cusub, oo ay uga hortagayaan in Cod-gadasho iyo wax-isdaba-marin inta ay socoto Doorashada.

Wuxuu sheegay in aysan jiri doonin Xildhibaan codkiisa gato, sidoo kalena ay mamnuucayaan Waqaradaha Codbixinta in lagu qoro astaan gaar ah oo muujinaysa in Xildhibaanka uu Codkiisa ka iibiyay Musharax gaar ah.

"Ma jiri doonto Warqad Xildhibaan oo Codkiisa ku dhiibaya oo Caalamad Musharax lacag siiyay ku qorantahay, waxaana sidoo kale joojin doonaan qaab kasta oo ku imaan karo Musuq-maasuq dhanka Codadka ah," Ayuu yiri Dhagey.

Gudiga Doorashada ayaa sheegay in aan lala geli karin goobta codbixinta Taleefanno ah ama qalabka wax lagu sawirro ah, si aan loo adeegsan marqaati ahaan in Xildhibaanka uu codkiisa siiyey Musharax oo lacagta ka qaatay.

Arrintan ayaa timid dhowr maalin kadib markii Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay qoraal uu soo saaray ku sheegay in la musuq musuuq doorashada Somalia. Halkan ka akhriso

Awaamiirta Guddigan ay sheegeen inay kaga hortagayaasha musuqa doorashada, ayaa sidoo kale imaanaysa xilli lacag ku yimaadeen Xildhibaanada hadda lasoo xulay qaybtood, iyadoo sidoo kale murashaxiinta jagada Madaxweynaha gaar ahaan Madaxda waqtigu ka dhammaaday Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid ku suganyihiin deegaanadooda iyagoo loollan ugu jira siday u keensan lahaayeen Xildhibaano ku yimaada hantidooda hadhowna doorta.

Waxaa jira Guux dadweyne, oo ku aadan in Doorashada uu ku guulaysan karo Musharaxa Jeebkiisa uu buuxo, oo gadan karo Codadka ugu badan ee Xildhibaanada Baarlamaanka ee lasoo xulayo.

Xildhibaanada Qaranka ayaa lagu eedeeyaa inay Lacag ku iibsadaan Codadkooda marka Doorashada ama Mooshin uu jiro, taasi oo meesha ka saartay in Danta Guud ee Dalka u adeegaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM