Somalia: Howlgal ka socda gobolka Shabeellaha Hoose

Image

BARIRE, Somalia - Ciidamada dowladda Federaalka, oo taageero ka helaya AMISOM iyo Kumaandooska Mareykanka ayaa saaka weerar ku qaadey Xoogaga Al shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxay weerarkooda kuu billaabeen Deegaanka Bariire, oo bishii May lagu diley Askari uu dhashay dalka Mareykanka, kana tirsanaa Navy SEAL, xilli uu ka qeyb-qaadanayay Howlgalka ka dhan ah Al shabaab.

Diyaarado dagaal ayaa Ciidamo kamid ah Kumaandooska Dowladda Somalia iyo Mareykanka ku daadiyay banaanka Bariire, kuwaasi oo dagaal qaraar kadib kala wareegay Al shabaab deegaankaasi.

Ciidamada ayaa usii gudbay Tuulooyin horleh, oo ay kamid yihiin Janaale, Mubarak iyo Awdheegle, oo lagu soo waramayo inay ka dhaceen dagaal xoogan, oo ay la galeen Malleeshiyada Kooxda Al shabaab.

Wararka Warsidaha GO uu ka helayo gobolka ayaa sheegaya in Ciidamada iskaashanaya ay iska-caabin kala soo kulmeen Janaale, kadib markii Al shabaab ay difaacyo adag ka sameysteen duleedka Deegaanka.

Goobaha sidoo kale dagaalka uu ka dhacayo waxaa kamid ah duleedka Tuulada Toora-toorow, oo la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin hogaamiyaal sare oo katirsan Al shabaab.

Saraakiisha maamulka gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay in Howlgalka billowday , uu yahay mid sii socon doono, al shabaab looga saarayo deegaanada wali ku harsan gacanta Kooxda Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM