Somalia: Howlgallo ka socda Isgoysyadda Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Ciidamada Xasilinta Caasumadda, ayaa saaka Howlgallo kale ka sameeyayqaar kamid ah Isgoysyada magaalada Muqdishu, iyadoobaaritaan ku sameynaya Gaadiidka Dadweynaha. 

Ciidamada ayaa Baro-koontarool ka sameystay Wadooyinka Makah Almukaramaha , Taleex, KM-4, Dabka, iyo qaar kale, waxayna waydiinaya dadka la socdoGaadiidka Aqoonsiyo iyo Shaqada ay qabtaan. 

Baaritaanada noocan ah, oo ah kuwa ka socdo magaaladaHabeen iyo Maalin, ayaa Saraakiisha waxay sheegayaanin wax badan looga qabtey amniga, islamarkaana ay hoosu dhaceen Qaraxyadii dhici jiray. 

Ciidamada dowladda Somalia ee loo xilsaarey XasilintaCaasumadda ayaa laba jibaaray howlgallada ay ka waddaan wadooyinka magaalada Muqdishu tan iyo markiiay dhalatay Bisha barakaysan ee Ramadan-ka. 

Taliyaha NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa dhawaan sheegay in Ciidamada ay ka hortageendhowr qarax oo Al shabaab qorsheynaysay inay ka fuliyaan Magaalada, iyo dadkii wadey. Wuxuu xusay in dhamaan wadooyinka soo gala Caasumadda la dhigay Ciidamo gaar ah, iyadoo gudahanaay ka socdaan Howlgallo joogto ah oo lagu baaroXaafadaha iyo Goobaha Garaashyada. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM