Somalia: Is-rasaaseyn ka dhacday Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Saddex ruux, oo uu kamid yahay Wariye ka howlgala Idaacadda Shabelle ayaa maanta ku dhaawacmay Israsaaseyn ciidamo ka wadatirsan dowladda Somalia ku dhexmartay magaalada Muqdishu.

Gacan ka hadalkan ayaa yimid kadib markii ciidamo kawada tirsan dowladda Somalia isku maan-dhaafeen burburinta goobo Ganacsi iyo Guryo si sharci darro ah looga  dhisay hareeraha Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon.

Wariye Mahad Maxamed Mutawakil, oo Wardoone u ah Radio Shabelle, gabar shaah ku iibisa Maqaaxi goobta ku taalla iyo Nin kale oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay Israsaaseyn dhexmartay ciidamada.

Mas'uuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir, oo uu kamid yahay Gudoomiyaha degmada Hodon ayaa kala dhexgalay ciidamada dirirta dhex-martay, waxaana la joojiyay howlaha burburinta dhismooyinka shardi darrada ah.

Dagaalka ayaa hakad geliyay howlaha ganasiga iyo isticmaalka wadada Tarabuunka, oo kamid ah Isgoysyada ugu mashquulka badan magaalada Muqdishu, ee caasumadda dalka Soomaaliya.

Israsaaseynta noocan ah ayaa inta badan ku dhexmarta ciidanka dowladda Somalia gudaha magaalada Muqdishu, xilliyada la duminayo dhismayaasha, taasoo inta badan salka ku haysa arrimo qoys iyo in ciidamada qaybtood ehel yihiin dadka wax laga duminayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM