Somalia: Iska Hor-imaad xooggan oo ka dhacay Muqdishu
MUQDISHU, Somalia - Mahad Cilmi Maxamed "Mahad Doolar", ayaa lagu soo qabtey Howlgal Caawa Ciidamada dowladda Federaalka Somalia ka fuliyeen magaalada Muqdishu.
Wararka Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in Iska Hor-imaad caawa uu ka dhacay Xaafada Beerta Jaadka ee degmada Hodon, kaasi oo dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Malleeshiyada Mahad Doolar.
Ciidamada ayaa iska-caabin kala kulmay Malleeshiyaada, xilli ay wadeen Howlgallo ay ku baadi- goobayeen Koox hubaysan oo Beerta Jaadka ku dishay Nin katirsanaa Ergadii soo xushay Xildhibaanada.
Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay "Madaxeey", waxaana la ogeyn cida ka dambaysa Dilkiisa.
Holwgal lagu soo xiray Mahad Doolar ayaa waxa uu qeyb ka yahay Barnaamijka Xasilinta Caasumadda oo maalmahan ka soconayay Muqdishu, kaasi oo lagu qabtey Hub iyo Walxaha qarxa oo aad u badan.
Waxaa saaka ka dhacay Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Wadajir Howlgal hubka dhigis ah, oo Nin hubaysan, oo kamid ahaa Koox Isbaaro u taallay halkaasi, taasi Baabuurta lacago baad ah looga qaadi jirey.
Tan iyo markii ay curatay Bisha Barakaysan ee Ramadan-ka, waxay dowladda Somalia xoojisay Ammaanka Muqdishu, iyadoo Ciidamo gaar ah la dhigay Waddooyinka waaweyn, kuwaasi oo Gaadiidka baara.
GAROWEONLINE