Somalia iyo Jabuuti oo hal mowqif ka qaadanaya isbedalka gobolka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Danjiraha Jabuuti ufadhiya Muqdisho, Aadan Xasan Aadan ayaa kulan ku yeeshay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka labadda masuul ayaa looga hadley arrimo kala duwan oo ay kamid tahay mad-madowgii dhowaan soo kala dhex-galey labada dal iyo sidii labada dowladood mowqif midaysan uga qaadan lahaayeen isbedalada gobolka.

Jabuuti ayaa dhowaan dib ugu yeertey safiirkeeda taasi oo ka dambeysay markii Madaxwayne Farmaajo isagoo ku sugan Asmara bishii July ugu baaqay gollaha amaanka ee QM inay cunaqabateynta dhaqaale ka qaadaan Eritrea, taasoo lagu soo rogay 2009.

Baaqan ayaa aad uga careysiiyay dowladda Jabuuti, inkastoo markii dambe Farmaajo booqasho deg deg ah ku tagey magaalada Jabuuti, halkaasi oo wadahadallo lagu qaboojiyay xiisadda diblomaasiyadeed kula qaatey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Jabuuti iyo Eritrea oo uu ka dhaxeeyay colaad ayaa wadahadal lagu soo afjarayo dagaalkooda ayaa billowday, iyadoo ay dhex-dhexaadinayso boqortooyada Sacuudiga, xili xusid mudan tahay in dhowaan Jeddah ay ku kulmeen Geelle iyo Afwerki.

Sacuudiga ayaa kaalin wayn ka ciyaaraya inuu heshiis dhex dhigo Geelle iyo Isaias Afwerki, kuwaasoo si wadajir ah uga dhawaajiyey markii ay isku arkeen Jeddah inay doonayaa inay soo gabagabeeyaan colaadii ka dhaxeysay.

Arrimahaan ayaa qayb ka ah dabaal isbedal ah oo uu la yimid Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaasoo la heshiiyey Eritrea, isaga soo celiyey xiriirkii dhaqaale, mid bulsho iyo midkii Diblumaasiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India oo taageertay midnimada Soomaaliya, xilli ay iska fogaysay aqoonsiga Somaliland

Go’aankan ka soo baxay Hindiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad diblomaasiyadeed ka jirto Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 12:42PM

Shiinaha oo ka hadlay dib u dhaca booqashada Wasiir Wang Yi ee Muqdisho

Bayaan ay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho soo dhigtay fiidnimadii Jimcaha, ayay Beijing ku sheegtay in la beddelay jadwalkii safarka Wang Yi.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 07:36AM