Somalia: ​Jadwalka doorashada guddiga iyo madaxda oo is-khilaafsan

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa shalay 07 Augusto, 2016 soo baxay labo jadwal oo kala duwan kuwaasoo ku saabsanaa qaabka loo galayo doorashada iyo sida loo kala hormarin doono, waxaa labo jadwal soo kala saaray madaxda shirka uga socdo magaalada Muqdishu iyo guddiga Hirgalinta doorashada dadban ee dhici doonta 2016.

Jadwalka dhinaca madaxda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynaha ay qabsoomi doonto 07 November.

Halkan ka akhriso Jadwalka kasoo baxay shirka madaxda ee kasocda magaalada Muqdishu. Riix harlkaan 

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Hirgalina doorashooyinka ayaa shir jaraa'id oo ku qabtay magaalada Muqdishu ku sheegay in doorashada madaxweynaha dhici doonto 30 October. Halkan ka Akhriso

Lama oga sababta keentay soo saarista labada Jadwal ee is-khilaafsan, wuxuuna kusoo beegmay xilli maalintii shalay shir wada qaateen madaxda dowladda Federalka, maamullada madaxda ka ah dowladda dhexe iyo guddigan.

Guddoomiyaha Guddigan  Cumar Maxamed Cabdulle ayaa ah nin uu soo doortay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ahaa la taliyihiisa dhinaca siyaasadda.

Madaxda shirsan ayaa horay kansalay jadwal doorasho oo kasoo baxay shirkii madasha ee ka qabsoomay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Somalia ayaa aaminsan in arrinta khal-khal galin karto doorashada iyodoo dhalin karta muran siyaasadeed iyo in lagu jaah wareero waqtiga rasmiga ah ee doorashadu dhici doonto xilli lagu siyaadiyay labo bilood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM