Somalia: Kenya oo duqayn ka fulisay Gedo

Image

CEEL CADDE, Somalia- Diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa xalay Duqeyn cirka ah ka fuliyay deegaanno ku yaalla gobolka Gedo, ee Koonfurta Soomaaliya.

Sida GO u xaqiijiyay Cusmaan Nuux Xaaji, oo ah ku-xigeenka Guddoomiyaha gobolka Gedo, duqeynta diyaaradeed ayaaa ka dhacday Tuulo Al Shabaab maamusho oo ku taalla duleedka Deegaanka Ceel Cadde.

Gudoomiye Cusmaan wuxuu intaasi ku daray in weerarkaas lala beegsaday dagaalyahano iyo Horjoogayaal katirsan Al shabaab oo ku shirayay inta u dhaxaysa Ceel Waaq iyo Busaar, oo ku dhaw xuduuda Kenya.

"Duqeynta waxay ka dhacday goob ay Al shabaab ku maleegaysay weeraro ay ka fuliyaan gobolka Gedo, waxaana ku dhimatay dhowr dagaalyahan iyo hogaamiyaal sare," Ayuu yiri Cusmaan Nuux Xaaji.

Diyaaradaha Militariga Kenya ayaa abbaaray Kolonyo baabuur ah, oo ay la socdeen xubno katirsan Al shabaab oo ku sugnaa Ceel-Biyood ku yaalla meel 10KM u jirto Ceel Cadde.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas xilli aysan jirin warar kasoo baxay labadaas dhinac Kenya iyo Al Shabaab.

Dhanka kale, Abaar daran ayaa ka taagan deegaanada gobolka Gedo, oo dadka iyo duunyada ay u dhimanayaan Gaajo iyo Haraad, iyadoo uu hadda ka dillaacay Daacuun calooleed iyo Nafo darro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM