Somalia: Khasaaro ka dhashay dagaal xooggan oo ka dhacay Bakool

Image

WAAJID, Somalia - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada Dowladda Federaalka Somalia oo garab ka helaya kuwa Ethiopia ayaa saaka ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid markii  Al shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamadaasi ku leeyihiin magaalada, kaasi oo isku bedelay dagaal fool-ka-fool ah, oo qaatey mudo saacado ah.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyootay dagaalka degmada Waajid, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, sida dadka deegaan ay u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Saraakiisha ciidamada militariga dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Bakool, ayaa sheegay inay iska-caabiyeen weerarka, islamarkaana ay khasaaro badan gaarsiiyeen malleeshiyada Al shabaab.

Dhanka kale, Warbaahinta ku hadasha Afka Al Shabaab, ayaa baahisay inay weerarka ay ku dileen dhowr Askari oo Itoobiyaan ah, sidoo kalena ay gubeen gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah.

Al Shabaab ayaa go'doomin ku haysa degmooyinka isku xira gobolka Bakool, tan iyo markii Kooxda awoodeeda lagu wiiqay howlgalkii wadajirka ahaa ee ay gobolkaasi ka fuliyeen ciidamada SNA iyo AMISOM 2014.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM