Somalia: Khasaaro ka dhashay dagaal xooggan oo ka dhacay Bakool

Image

WAAJID, Somalia - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada Dowladda Federaalka Somalia oo garab ka helaya kuwa Ethiopia ayaa saaka ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid markii  Al shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamadaasi ku leeyihiin magaalada, kaasi oo isku bedelay dagaal fool-ka-fool ah, oo qaatey mudo saacado ah.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyootay dagaalka degmada Waajid, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, sida dadka deegaan ay u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Saraakiisha ciidamada militariga dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Bakool, ayaa sheegay inay iska-caabiyeen weerarka, islamarkaana ay khasaaro badan gaarsiiyeen malleeshiyada Al shabaab.

Dhanka kale, Warbaahinta ku hadasha Afka Al Shabaab, ayaa baahisay inay weerarka ay ku dileen dhowr Askari oo Itoobiyaan ah, sidoo kalena ay gubeen gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah.

Al Shabaab ayaa go'doomin ku haysa degmooyinka isku xira gobolka Bakool, tan iyo markii Kooxda awoodeeda lagu wiiqay howlgalkii wadajirka ahaa ee ay gobolkaasi ka fuliyeen ciidamada SNA iyo AMISOM 2014.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM