Somalia: Khayre oo guddoomiyay kulankii ugu horayay golahiisa Wasiirrada

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyey kadib ansixintii Baarlamaanka ee shalay 29 Maarso 2017.

Shirkan waxaa guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana ugu horeyn looga hadlay Ajande ka kooban soo dhoweyn, Nidaamka iyo xeerararka shirarka Golaha, Diyaarinta xil la wareegida Wasiirada cusub, Qorshaha Xukuumadu ku shaqeyn doonto, Arrimaha Amniga iyo Abaaraha.

Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha oo furay shirka ayaa ku wargeliyay Wasiirada in shacabku uga fadhiyo Xukuumada howl adag oo hufan, loona baahan yahay in laga dhabeeyo rajada shacabka. Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray golaha Wasiirada cusub inay buuxiyaan Foom ay ku cadeynayaan in xubin kasta oo ka mid ah golaha uu waajibkiisa u guto si daacad ah, Aamin ah, ayna soo bandhigaan macluumaad rasmi ah oo ku aaadan hantida gaarka ah, iyada oo la waafajinayo sharciga, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku dheeraaday dhismaha Wasaaradda Gargaarka, wuxuuna xusay in xukuumadu muhiimad gaar ah siisay taakuleynta shacabka, isaga oo faray hay’addaha caalamiga, kuwa gudaha, hay’addaha dowliga, iyo dhamaamba shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Wasaaradan, si loo gaarsiiyo shacabka abaaruhu aafeeyeen gurmadka ay u baahan yihiin.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa mar uu ka hadlayay Arrimaha Amniga dalka, waxa uu Golaha Wasiirada ku booriyay in awooda la isugu geeyo sugida amniga iyo xasilinta dalka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la dejiyo Istaraatiijiyad Heer Qaran ah oo lagu hubinayo shaqada iyo Hufnaanta hay’addaha Amniga.

“Waxaan galnay marxalad cusub, waana inaan u diyaar garowno sidii shacabka loo gaarsiin lahaa, nabad, xasilooni iyo dib u heshiisiin,” Ayuu yiri RW oo ka hadlayay shirka Golaha”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarahu.

Markii uu soo dhamaaday kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM