Lix ruux oo ku geeriyootay Qarax iyo Weerar ka dhacay Mudug

Image

GAALKACYO, Somalia - Ugu yaraan lix qof, oo 3 kamid ah ay Caruur ahaayeen ayaa ku geeriyootay qarax iyo weerar lagu qaadey Gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah ayaa ka dhacay qeybo kala duwan oo kamid ah gobolka Mudug.

Saraakiisha maamulka gobolka ayaa sheegay in Saddexda caruurta ah ay ku dhinteen qarax miino oo ka dhacay deegaanka Docolo-oomane oo katirsan Mudug, kuwaasi oo kasoo jeeda qoysas reer miyi ah.

Caruurtan ayaa ku ciyaarayay miinada oo dhulka ku aasneyd, kadib markii ay dhagax ku garaaceen, iyagoo u maleynayay aalad bir ah, oo meesha looga tagey, balse ay naftooda qaaliga ah ku waayeen markay qaraxday.

Dadkii Deegaanka ayaa ku cararay goobta markii ay qaraxa maqleen, waxaynta meesha ugu tageen meydadka saddexda caruurta ahaa, oo is dhinac yaalla, waxaynta xaaladdaadi cabsi gelisay shacabka ku dhaqan deegaanka, oo walaac ka muujiyay miinooyinka kale ee wali qarxin ee ku aasan dhulka.

Dagaalladii sokeeye waxay reebeen raadad wali muuqda, oo ay kamid yihiin miinooyinkii xilligaasi la aasay oo meelaha qaar ee dalka kamid ah ay shacab iyo caruur ku dilayaan, iyadoo aanay jirin miina baaris lagu sameeyay guud ahaan gobollada.

Dhanka kale, Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo marayay degaanka Saaxo ee gobolka Mudug, islamarkaana kusii jeeday degaanka Bandiiradleey.

Inta la xaqiijiyay Saddex qof ayaa ku dhimatay weerarka tacshiirada ah, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka mid ahaa dadkii Gaariga Saarnaa, kuwaasi oo loo qaadey Isbitaalka Bandiiradleey.

Lama oga sababta loo bartilmaameedsadey dadkan shacab ah, balse warar aan helayno ayaa sheegaya in falkan uu la xiriiro aano qabiil, oo mudooyinkii dambe ka taagnaa deegaan miyi ah oo ku yaalla Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM