Lix ruux oo ku geeriyootay Qarax iyo Weerar ka dhacay Mudug

Image

GAALKACYO, Somalia - Ugu yaraan lix qof, oo 3 kamid ah ay Caruur ahaayeen ayaa ku geeriyootay qarax iyo weerar lagu qaadey Gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah ayaa ka dhacay qeybo kala duwan oo kamid ah gobolka Mudug.

Saraakiisha maamulka gobolka ayaa sheegay in Saddexda caruurta ah ay ku dhinteen qarax miino oo ka dhacay deegaanka Docolo-oomane oo katirsan Mudug, kuwaasi oo kasoo jeeda qoysas reer miyi ah.

Caruurtan ayaa ku ciyaarayay miinada oo dhulka ku aasneyd, kadib markii ay dhagax ku garaaceen, iyagoo u maleynayay aalad bir ah, oo meesha looga tagey, balse ay naftooda qaaliga ah ku waayeen markay qaraxday.

Dadkii Deegaanka ayaa ku cararay goobta markii ay qaraxa maqleen, waxaynta meesha ugu tageen meydadka saddexda caruurta ahaa, oo is dhinac yaalla, waxaynta xaaladdaadi cabsi gelisay shacabka ku dhaqan deegaanka, oo walaac ka muujiyay miinooyinka kale ee wali qarxin ee ku aasan dhulka.

Dagaalladii sokeeye waxay reebeen raadad wali muuqda, oo ay kamid yihiin miinooyinkii xilligaasi la aasay oo meelaha qaar ee dalka kamid ah ay shacab iyo caruur ku dilayaan, iyadoo aanay jirin miina baaris lagu sameeyay guud ahaan gobollada.

Dhanka kale, Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo marayay degaanka Saaxo ee gobolka Mudug, islamarkaana kusii jeeday degaanka Bandiiradleey.

Inta la xaqiijiyay Saddex qof ayaa ku dhimatay weerarka tacshiirada ah, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka mid ahaa dadkii Gaariga Saarnaa, kuwaasi oo loo qaadey Isbitaalka Bandiiradleey.

Lama oga sababta loo bartilmaameedsadey dadkan shacab ah, balse warar aan helayno ayaa sheegaya in falkan uu la xiriiro aano qabiil, oo mudooyinkii dambe ka taagnaa deegaan miyi ah oo ku yaalla Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM