Somalia: Madaxweynaha CAF oo soo gaarey Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha xiriirka Kubadda Cagta ee Qaarada Africa (CAF) Ahmad Ahmad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah booqasho ku tagey magaalada Muqdishu.

Wasiirka cusub ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Somalia Khadiija Maxamed Diiriye iyo madax kale ayaa Axmad Axmad kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde.

Mr Axmed Axmed ayaa lagu wadaa inuu booqdo Garoomada lagu ciyaaro kubadda cagta waa-weyn ee Muqdishu, iyadoo uu la kulmi doono Madaxda Xiriirka Kubadda Cagta Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed sidoo kale la kulmi doonaa Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha inta uu joogo Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha Caalamka oo yaraysay taageeradii dhaqaale ee dowladda Soomaaliya

Wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya ay sidoo kale horumar weyn ka samaysay dijitalaynta iyo otomaatiga nidaamyada cashuuraha.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 07:10AM

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM