​Somalia: Madaxweynaha cusub oo shacabka la hadlay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha cusub ee dalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa fariin u diray shacabka Somaliyeed ee dabaal dagga ka wada gudaha iyo dibadda xilli xalay goor dambe shir jaraa'id ugu qabtay magaalada Muqdishu warbaahinta.

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in guusha uu gaaray ka dambeeyeen shacabka Somaliyeed isagoo hambalyo u diray meel kasta oo ay joogaan isagoo tilmaamay in shaqo badan u taallo.

Shacabka dabaal dagga wada ayuu si gooni ah ula hadlay isagoo ugu baaqay inay guryahooda ku laabtaan islamarkaana usoo jeensadaan sidii horay loogu sii socon lahaa howlaha adag ee dowladda sugaysa.

"Guusha aan gaaray idinka ayaa sabab u ahaa, runtii waan idiin ku hambalyeynayaa, xilligan oo maalintii labaad la marayo waxaa socda dabaal dagyo kala duwan, waxaan shacabka u sheegayaa inay guryahooda ku laabtaa," Sidaas waxaa yiri mudane Farmaajo.

Wuxuu intaas ku daray," Waxaan leeyahay dabaaldega iyo ololaha doorashada waa dhamaaday hadda waxaa la qabanayaa shaqadii dowlada waxaa la joogaa waqtigii la isu diyaarin lahaa dib u dhiska dalka.”

Dhinaca kale wuxuu tacsi u diray qoyskii iyo umadda Somaliyeed uu ka baxay Madaxweynihii hore Puntland General Cadde Muuse Boqor oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka, wuxuuna ALLE uga baryay inuu ka waraabiyo naxariistiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM