​Somalia: Madaxweynaha Galmudug oo ku wajahan magaalada Galkacyo

Image

CADAADO, Somalia- Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa maanta oo Sabti ah la filayaa inuu tago magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka Warsidaha GO ka helayo Cadaado ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf oo ay wehliyaan Mas'uuliyiin katirsan maamulkiisa iyo Saraakiil Ciidan ay safar dhanka dhulka ah ku tagayaan Gaalkacyo.

Waxaa la adkeeyay Ammaanka deegaanada uu sii mari doono Madaxweynuhu, oo la dhigay Ciidamada isagu jira Military iyo Nabad Sugid.

Waa markii ugu horeysay oo uu Xaaf tago Gaalkacyo tan iyo markii la doortey 3-dii Bishii May ee lasoo dhaafay, waxaana safarkii kusoo beegmayaa xilli dhawaan uu heshiis nabadeed la galay Cabdiwali Gaas.

Xaaf ayaa shaaciyay in maamulkiis Cusub, uu ka shaqeyn doono Nabada gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacyo oo wali qeybo kamid ah isku hor-fadhiyaan Ciidamada Galmudug iyo Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM