Somalia: Madaxweynaha maamulka Galmudug oo la dooran doono

Image

CADAADO June 28,2015 (GO)- Gudoomiyaha Barlamanka cusub ee dhowaan looga dhawaaqey magaaada Cadaado oo la hadlay saxaafada ayaa sheegey in asbuuca soo socda la dooran doono madaxweynaha maamulka Galmudug.

 Cali Gacal Casir oo la hadlayey idaacadaha ayaa xusey in Barlamanka maamulka la magac baxey Galmudug guda gali doono qabashada araajida musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha.

Xilka madaxweyne ee maamulka Galmudug ayaa waxaa la filayaa iney ku hardamaan musharaxiin farabadan oo kala haysata tageerada dowlada Federaalka, wadamada ciidamada ka joogaan Somalia iyo madax maamulo horey uga dhisnaan jirey gobolada dhexe ee Somalia.

Doorashadan oo la qaban doono 4 July,2015 ayaa wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka Somalia sheegey in mas'uuliyada dhmaeystirka maamul u sameynta goboladaas wixii hada ka dambeeya ku wareegi doonto Gudoomiyaha maamul goboleedka Galmudug iyo ku-xigeenadiisa.

Barlamanka cusub ee maamulka Galmudug ayaa dhinaca kale maalintii shaley u doortey Xareed Cali Xareed iyo Maxamed Sheekh Axmed Maalin  Gudoomiye ku-xigeenada Cali Gacal Casir.

Gudoomiyaha Barlamanka maamulka Galmudug ayaa sheegey in wadahadal la gali doonaan ururka Ahlu Sunah Wal-Jamaaca oo dhowaan qabsadey magaalada Dhuuso Mareeb.

Magaalada Dhuuso Mareeb ayaa madaxweynaha dowlada Federaalka horey ugu dhawaaqey iney noqon doonto magaalo madaxda maamulka loo sameyn doono gobolada dhexe ee Somalia taasoo muran abuurtey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM