Somalia: Madaxweynaha oo magacaabay Guddiga doorashooyinka
MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa xeer uu maanta soo saaray ku magacaabay liiska guddiga doorashooyinka dadban ee dalka ka dhici doonta 2016, kuwaas oo isku shaandhany kooban lagu sameeyay, maadama shirkii madasha wadatashiga Qaran lagu hishiiyay in laga saaro siyaasiyiintii horay loogu daray.
Wareegtadan kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu magacaabay 22 xubnood oo kala ah;
1.Cumar Maxamed Cabdulle
2. Mustaqiim Wayd
3. Maxamed Kaynaan
4. Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel)
5. Nafisa Geeddi Santuur
6. Maxamed Cali Diiriye
7. Cabdiraxmaan Sheekh Mucaawiye
8. Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf
9. Saciido Maxamed Musciid
10. Aweys Abuukar Sokorow
11. Sahra Cabdi Xuseen Jaamac
12. Burhaan Cilmi Xirsi
13. Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayib
14. Cabdulllaahi Cali Aadan Garoon
15. Salaad Cali Ibraahim Catoos
16. Aadan Cabdinaasir Maxamed
17. Cabdullaahi Salaad Yarow
18. Yaasiin Cabdi Jaamac
19. Axmed Maxamed Saciid
20. Fardowsa Maxamed Ducaale
21. Aamina Cabdullaahi Dheeroow
22. Raaxo Maxamed Janaqow
Guddigan ayaa howshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan, jadwalka doorashada iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016.
Xeerkan uu madaxweyne Xasan Sheekh soo saaray, ayaa ka naqdinaya dhammaan wixii xeer ah oo ka horeeyay kaasi oo ka hor imaanaya doorashada waddanka.
GAROWEONLINE