​Somalia: Mallayshiyaad gudaha u galay Jaamacadda SIMAD

Image

MUQDISHU, Somalia- Maamulka Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, ayaa xaqiijiyay inay xaruntooda soo galeen rag hubaysan oo ku labisnaa dharka ciidamada qalabka sida ee dalka.

Raggan ayaa la sheegay inay jaamacadda gudaheeda ka dhex rideen xabado, taasoo kaliftay inay Ardaydii halkaasi ku sugnaa darbiyada ka boodaan.

Waxaa la sheegay inay tiro ahaan nimanka weerarka soo qaaday gaarayeen ilaa 6 askari, kuwaasoo Ardayda ka qaatay agabkii ay siteen gaar ahaan Taleefoonadd gacanta.

Guddoomiyaha jaamacadda SIMAD, Daahir Xasan Cabdi (Carab), oo dhacdadaas kadib la hadlay VOA ayaa sheegay in raggaas argagax ku rideen Ardayda waxbarashada ku jirtaa oo xilliga weerarku dhacay aan ku jirin wax xiisad ah, waxuuna intaas ku daray usoo gurmadeen ciidamada Booliiska degmada War-dhiiglay.

Carab, ayaa xusay inaysan ogayn halka ay jaan iyo cirib dhigeen markii dambe, waloow uu tilmaamay inay u yimaadeen Saraakiil katirsan ciidamada Booliiska kuwaasoo u ballanqadaay inay raad goobi doonaan shakhsiyaadka falkaasi ku kacay.

Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale xusay in jaamacaddu aysan lahayn wax ilaalo hubaysan sidaas awgeed aysan samayn wax is-difaacid ah.

Waxaa caado ahayd in bannaanka hore ee Jaamacadda inta badan lagu furto taleefoonnada iyo Computarrada.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli magaalada Muqdishu noqotay mid amnigeedu faraha ka baxday, waxaana inta badan weeraro gaysata kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM