Somalia: Mareykanka oo Duqeyn ku dilay Sarkaal katirsan Shabaab

Image

MUQDISHU, Somalia - Sarkaal katirsan Militariga Mareykanka, ayaa sheegay in hal dagaalame oo katirsan Al shabaab ay ku dileen Duqeyn dhanka cirka ah, oo shalay oo Khamiis ahayd ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose.

War Saxaafadeed kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africa (AFRICOM), ayaa lagu xaqiijiyay Duqeynta, taasi oo ka dhacday duleedka magaalada xeebta leh ee Baraawe, waxaana lala eegtay Kolonyo Al shabaab.

Howlgalka waxa lagu bartilmaameedsaday Gaadiid ay la socdeen Saraakiil katirsan Al shabaab oo marayay deegaan ku dhaw magaalada Baraawe, waxaana ku dhintey hal dagaalyahano, kaasi oo weli magaciisa la shaacin.

"Howlgalka waxaa laga fuliyay nawaaxiga Baraawe ee dalka Somalia, oo ku dhawaad 270KM Koonfur Galbeed uga beegan magaalada Muqdishu," sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

AFRICOM ma aysan xaqiijin in qofka ay dileen uu ahaa Sarkaal sare ama mid darajadiisa hoosayso.

Weerarkan waxa uu noqonayaa midkii labaad oo Todobaadkan gudahiisa Mareykanka uu ka gaysto Somalia, kuwaasi oo 4 katirsanaa Al shabaab lagu qaarijiyay, sida uu sheegay Taliska AFRICOM.

Maalintii Talaadada ahayd ee lasoo dhaafay, duqeyn midan oo kale oo ka dhacday gobolka Baay waxaa ku dhintay 3 xubnood oo kamid ahaa Al shabaab.

Mareykanka ayaa kordhiyay Duqeymaha ka dhanka ah Al shabaab, kadib markii uu Madaxweyne Trump bishi Maarso ee sanadkan amray in la ballaariyo Howlgalka Military ee dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM