Somalia: Mas’uuliyiin qarax lagula eegtay degmada Qansax-dheere

Image

QANSA DHEERE, Somalia- Qarax xooggan ayaa ka dhacay degmada Qansax-dheere, ee gobolka Baay oo ay maamulaan ciidamada maamulka Koonfur Galabeed iyo kuwa AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay GO in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay Makhaayad mashquul badan, oo inta badan ay fariistaan Saraakiisha maamulka degmada iyo ciidamada Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Qansax-dheere Isaaq Cabdi Maxamed ayaa sheegay in 7 ruux, oo kala ah Labo Mas’uul oo katirsan maamulkiisa iyo 5 skari oo ilaalo u ahayd ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Wuxuu intaasi raaciyay in Isbitaalka degmada la dhigay dhaawacyada, islamarkaana ay socdaan baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay falkan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa.

Degmada Qansadheere oo 90-KM u jirtaa magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay, ayaa waxaa go’doomisay Kooxda Al Shabaab tan iyo markii laga saarey sanadkii 2012-kii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM