Somalia: Maxkamadda Sare oo Laashay 8 Kursi oo kamid ah Aqalk hoose

Image

MUQDISHU, Somalia - Maxkamdda Sare ee dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaamaanta laashay 8 Kursiga oo kamid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, kuwaasi oo si qaldan ugu soo baxeen Doorashada.

Go'aanka Maxkamadda oo soo baxay 16-ka May ayaa yimid kadib dacwo socotay in ka badan 5 bilood, taasi oo ay soo gudbiyeen murashaxiintii u tartamay Kuraasta, oo sheegay in la handaday, lana Musuq-maasuqay.

Maxkamadda sare ayaa baabi’isay go’aankii xubnaha Madasha Qaranka iyo Guddigii Doorashada Federaalka ee lagu fasaxay 8 kursi oo ka mid ahaa 11-kii kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka horey u laaleen.

Sida ku xusan Qoraalka Maxkamada waxaa dib loo soo celiyay go’aankii Guddiga Xalinta Khilaafaad ee ahaa in 11-ka kursi la laalo, islamarkaana dib loo galo doorasho cusub, oo xur iyo xalaal ku dhisan.

Kuraasta la laalay;

1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir

2. Maxamed Saciid Cabdullahi

3. Maxamed Axmed Abdtidoon

4. Nadif Aadan Isaaq

5. Muna Khalif Sheekh Abu [Muna Kay]

6. Cabdicasis Salax Carmaan

7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale

8. Samra Ibrahim Cumar

Dadka Maxkamadda usoo gudbiyey dacwada;

1. Muumino Sheekh Cumar

2. Aadan Maxamed Cali

3. Khaalid Cumar Cali

4. Maxamed Mukhtar Ibrahim

5. Boqor Cabdullahi Axmed Cali

6. Malaaq Sidow Maadow

7. Ibrahim Saalax Dayfullah

8. Caasho Xaaji Cilmi

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM