Somalia: Nabadoon lagu diley magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Kooxo hubaysan ayaa caawa Muqdishu ku dilay Nabadoon lagu magacaabi jirey Sayid Cali Cismaan Abtidoon, oo kamid ahaa Ergadii soo xushay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia.

Goobjooge ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay in Saddex dhalinyaro ah oo ku hubaysan Bastoolado ay Nabadoonka ku dileen Afaafka hore ee Farmashi ku yaalla xaafadda Al-Baraka, ee degmada Hodon.

Kooxda hubaysan ayaa baxsatay, kahor inta aysan ciidamada Amniga soo gaarin Goobta.

Allah ha u naxariistee Nabadoonka la dilay Sayid Cali Cismaan Abtidoon wuxuu kamid ahaa Odayaashii Xildhibaanada kasoo doorey magaalada Cadaado, ee xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug.

Laamaha Amaanka Muqdishu ayaa lagu dhaliilay inay ka gaabiyeen amniga caasumadda, oo Billooyinkii lasoo dhaafay ee sanadkan ay ka dhaceen qaraxyo badan, iyo Dilal loo geestay Odayaal dhaqameed.

Gollaha Wasiirada Xukuumadda, ayaa maanta meel-mariyay qorshe cusub, oo lagu sugayo amniga, waxayna amar ku bixiyeen in la sameeyo ciidamo isku-dhaf ah oo ka kooban Boolis, Military iyo NISA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM