​Somalia: Oday Caan ah oo lagu diley degmada Qoryooley

Image

QORYOLEY, Somalia - Rag hubaysan, oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Amniyaatka Al shabaab ayaa caawa fiidkii Oday dhaqameed caan ahaa ku diley degmada Qoryoley, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjooge ayaa Warsidaha GO u sheegay in Labo dhalinyaro ah, oo Bastoolado watey ay toogasho ku dileen Sheekh Ibraahim Kabo-Cadde, wax yar kadib salaadii Maqribka marki laga soo baxay. 

Labada qof ee diley Odayga ayaa Goobta ka baxsatey kahor inta aysan soo gaarin Ciidamada dowladda, oo markii dambe sameeyay howlgallo baaritaano ah, oo dhowr qof oo laga shakiyay lagu soo qabtey.

Allah ha u naxariistee Marxumka Sheekh Ibraahim Kabo-Cadde, wuxuu kamid ahaa Odayaasha sida aadka ah looga yaqaaney Qoryooley, oo uu kasoo shaqeeyay mudo dheer Maxkamadda degmada. 

Bishii April, waxaa Qoryooley sidan oo kale loogu dilay Xasan Madax-Gaduud, oo isna Odayaasha dhaqanka degmada kamid ahaa, sidoo kalena isku Beel kawada dhasheen Odayga caawa la diley. 

Cidna looma qaban dilalkaan, balse waxaa maamulka degmada ku eedeeyay Al shabaab, oo halkaasi laga saarey bishii Maarso, ee sanadkii 2014, xilligii uu socday howlgalkii Badweynta Hindiya.

Al shabaab ayaa maamusha Tuulooyinka ku dhaw Qoryooley, waxaana taasi ay u suurta-gelisaa inay weeraro kusoo qaadaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada.

Qoryooley, waa degmo hodon ku ah wax soo saarka beeraha iyo dhaqashada Xoolaha, waxaana ay 120KM dhanka Koonfur Galbeed ugu beegan tahay Muqdishu, caasumadda Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM