​Somalia: Odayaal lagu dilay Muqdishu iyo Baardheere

Image

MUQDISHU, Somalia- Dilal kala duwan ayaa Labo Oday dhaqameed waxaa Caawa Fiidkii loogu geestay caasimada Soomaaliye ee Muqdishu iyo degmada Baardheere, ee gobolka Gedo.

Muqdishu waxaa lagu dilay Xasan Aadan, oo Kooxo Bastoolado ku hubaysan ku khaarajiyeen degmada Wadajir, halka Odayga Labaadna oo isna lagu magacaabi jiray Ibraahim Qorax lagu dilay Baardheere.

Allah ha u naxariistee Labada Oday waxay kamid ahaayeen Odayaasha Soomaaliyeed, ee sida aadka ah loo looga yaqaaney Muqdishu iyo Baardheere.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada Dilalkaasi iyo dad loo soo qabtay fal dambiyeedkaasi, balse waxay qeyb ka yihiin qu-gooyooyinka qorsheysan ee inta badan kooxda  Al Shabaab ka fulinayso gudaha Somalia.

Waxaa moodaa in dilku kusoo batay Koonfurta Somalia xilli loo diyaar garoobayo doorashada dhici doonta bilaha soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM