Somalia oo AU u gudbisay dalab muhiim u ah kobaca dhaqaalaha dalka

Image

ADDIS ABABA - Dowladda Somalia ayaa ka dalbatay dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika in ay kala shaqeeyaan sidii looga cafin lahaa deymaha xadiga badan ee lagu leeyahay qarankan hadda kasoo kabanaya colaadaha iyo dagaalka sokeeye.

Lacagta lagu leeyahay Somalia ayaa la sheegay in cadadeedka uu gaarayo $4.6 billion [Afar bilyan iyo lix boqol oo milyan oo dollar-ka Mareykanka], taasoo caqabad ku ah isbedel lagu sameeyay dhaqaalaha dalka iyo in lacag cusub lasoo daabaco.

Jamaal Xasan, wasiirka qorsheynta, oo qayb ka ahaa kulan ay mas'uuliyiinta XFS kula yeesheen Addis Ababa beesha caalamka intii uu socday shir madaxeedka AU-da ayaa rajo ka muujiyay in la aqbalo dalabkooda.

"In nagala cafiyo deymaha waxay ka dhigan tahay in aan dib u bilaabi karno qorshaha horumarinta qaranka," ayuu wasiirku ka sheegay shirkaa, oo uu si lamid ah qayb ka ahaa wasiirka arrimaha dibabada.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka xiriirka caalamiga ah ee DFS, ayaa dhankiisa kaga dhawaajiyay madasha in deymaha oo laga cafiyo dalka ay sahleyso in ay helaan taageero maaliyadeed oo caalami ah.

"Daneeyayaasha Somalia waxaan uga baahan nahay in ay nagala qayb-qaataan dayn cafinta…taasi oo noo sahleysa in aan sanadkaanba xal u helno dadka barakacyaasha ah," ayuu Cawad hadalkiisu ku daray.

Sida laga soo xigtay Tv-ga CGTN, Guddiga midowga Afrika ayaa taageeray dalabka dowlada Somalia, inkasta oo aanan la xaqiijin karin hadii ay tani sahleyso in Bankiga Aduunka iyo hay’ada IMF ay cafiyaan deymaha lagu leeyahay Somalia.

Xukuumada Somalia ee haatan jirta ayaa xusul-duub u gashay tan iyo markii ay timid sidii dalka looga masaamixi lahaa deymaha lagu leeyahay wallow mar kale uu wadanku safka hore ka galay dalalka ugu musuq-maasuqa badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM