​Somalia oo dalbatey inay ku biirto Bulshada Bariga Afrika

Image
Image
Image

KAMPALA, Uganda- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Kampala.

Madaxweynayaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Uganda sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen qaxootiga Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale xusay kaalinta aan marnaba la ilaawi karin ee ay Uganda ka geysatay nabad ilaalinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa dhankiisa bogaadiyay hoggaanka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaalka dheeriga ee ay kula dagaallamayaan musuqmaasuqa, nabadgalyo xumada iyo faqriga.

Wuxuu ballan qaaday in dowladdiisu ay taageero walaaltinimo la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxyaabaha lagu lafo guray kulankaasi, waxaa kamid ahaa in dowladda Uganda ay taageerto qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay ku biirto Bulshada Bariga Afrika [East African Community], oo uu haatan Guddoomiye u yahay Madaxweyne Museveni.

Waxaa la isla soo qaaday maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirtaa xabsiyada dalkan iyo sidii ay dowladda Uganda dib ugu eegi lahayd kiisaska loo haysto maxaabiistaas, xaaladaha cakiran ee ka jira gobolka, gaar ahaan Koonfurta Sudan iyo muran xuduudeedka soo cusboonaaday ee dowladaha Jabuuti iyo Eriteriya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay isla soo qaadeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa kulankan ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed-Khayr Cabdi iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Sayid Axmed Sheekh Daahir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM