Somalia oo Dhaqaale badan uga lumay Internet la’aanta

Image

MUQDISHU, Somalia - Dowladda Somalia ayaa ka hadashay Khasaaraha dhaqaale ee dalka kasoo gaarey maqnaanshiyaha Adeegga Inateranet-ka, oo mudo ku dhawaad labo todobaad ka maqan Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.  

Wasiirka Isgaarsiinta, Boostada iyo Tignoolijiyada dowladda Federaalka Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in $10 Million oo Doolar oo Khasaaro ah uu soo gaarey Ganacsatada ku tiirsanayd Internet-ka.

Mudo 13 Maalmood oo uu maqan yahay Adeegga Internet-ka waxa uu lumiyay dalka $130 Million oo Doolar, waana masiibo weyn oo dhanka dhaqaalaha ah oo ku habsatay Shirkadaha iyo Hay’adaha kale.

Wasiir ma uusan sheegin sababta uu u go’ay Internet-ka, balse waxa uu sheegay inay socdeen dadaallo ay wado dowladda oo dib loogu soo celinayo Adeeggan muhiimka u ah shacabka sida ugu dhaqsiyaha badan.

Shirkadaha bixiya Internet-ka Muqdishu ayaa sheegay in Cillada ay timid markii Markab weyn oo nooca Ganacsiga ah uu jaray Fiilooyinka badda hoostooda mara ee dalka soo geliya Inaternet-ka Viper Optic-ga.

Internet la’aanta waxuu si aad ah u samneeyaay dhamaan Shirakadaha kala duwan, Hay’adaha dowladda, Xaruumaha Warbaahinta iyo dadka Shacabka ah, oo waayay adeegga Social Media.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM