Somalia oo Eriday Hay'ado Turki ah

Image

MUQDISHU- Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta iskugu yimid shir aan caadi ahayn ayaa si xoogleh loogu canbaareyey Afganbigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dawladdu amartay in la joojiyo adeegyo ay bixin jireen hay’ado lala xiriirinayo, nin ay dawladda Turkigu ku eedaysay inuu ka dambeeyey inqilaabka, kaas oo lagu magcaabo Fetxullah Gulen. 

Hay'adahan oo ka shaqaynayey Muqdishu ayay ka mid tahay Nile Academy oo bixin jirtay adeegyo dhinaca waxbarashada ah.

Waxaa kale oo hay’adaha la xiriiray ku jiray kuwo bixiya adeegyo dhinaca caafimaadka ah. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay 7 malamood oo ka bilaabanaysa berrito ay dalka kaga baxaan shaqaalaha hay’adahaasi. 

Dawladda ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Turkigu ay si wada jir ah u balan qaadayaan in adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee ay bixin jirtay hay'adaasi sidoodii u socon doonaan, maamul cusub na loo yeeli doono.

VOA

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM