Somalia oo wali waa dalka ugu musuqmaasuqa badan dunida

Image

MUQDISHO, Somalia - Somalia ayaa markale safka hore ka gashay dalalka ugu maasuqa badan caalamka, sida ku xusan warbixin ay soo saartey hay'adda kor-joogteysa musuq-maasuqa dunida, ee Transparent International.

Warbixin sanadeedka 2018 ee hay'adda ayaa lagu sheegay in Somalia ay ugu horeyso qiimeynta musuq-maasuq ay ku sameysay 180 wadan oo katirsan caalamka.

Ninka qoray warbixinta Transparent International oo fadhigeedu yahay magaalada Berlin ee dalka Germany ayaa sheegay in musuq-maasuqa uu ku bulaalo/koro meelaha aan isla-xisaabtanka ka jirin.

Somalia oo tan iyo 1991 aan yeelan dowlad awood u la leh la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa waxay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ka galaysay safka hore warbixinta hay'addan, ee xagga musuqa.

Farmaajo ayaa ololihiisii doorashadda kusoo galay inuu la dagaalami doono musuq-maasuqa, laakiin balan-qaadkaasi noqday mid aan hirgelin markii miisaaniyaddii 2018 laga waayay $40 milyan oo dollar.

Waxaa xabsiyo ku yaalla Muqdisho ku xiran mas'uuliyiin sare oo Xukuumadda katirsanaa, iyadoo dhowr wasiir ku xigeenna shaqo joojin loogu sameeyay kadib markii lagu soo eedeeyay musuq-maasuq.

Denmark, New Zealand, Singapore, Sweden and Sweden ayaa noqday shanta dalka ee ugu nadiifsan dhinaca musuq-maasuqa halka Somalia, South Sudan, Yemen, Burundi iyo Equatorial Guinea ayaa kasoo muuqday liiska 10-ka dal ee ugu horeeya musuq-maasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM