​Somalia: Qarax gaystay khasaaro oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Hal ruux ayaa ku dhintay, labo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaarey qarax markale Maanta oo Arbaco ah ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasumadda Soomaaliya. 

Qaraxa oo ka dhashay Bam lagu xiray gaari uu watay Nin magaciisa lagu sheegay Aadan Isxaaq Cabdulle kuna magac-dheeraa (Aadaneey), ayaa ka dhacay nawaaxiga Suuq Boocle, oo katirsan degmada Dharkenley. 

Waxaa ku dhintay weerarkaas Aadaneey oo la sheegay inuu ahaa Macalin Luuqa English-ka ka dhigi jiray Iskuullo ku yaalla Muqdishu,  si aad ahna looga garanayay magaalada, iyadoo labo kale oo la socotay uu soo gaarey dhaawacyo. 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxa uu ahaa "Aadaneey", dadka qaar ayaa sheegaya inuu kamid ahaa Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, halka kuwa kale ay sheegeen inuu ahaa qof shaqadiisa ay tahay Maclin Iskuul oo kaliya.

Wali rasmi ah looma xaqiijin dilka Marxuumka waxa uu salka ku hayo, laakiin Booliska degmada Dharkeenlay ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno, dibna ay kasoo sheegi doonaan sababta iyo cida ka dambaysa. 

Waa qaraxii labaad oo lagu xiray baabuurta raaxada oo qof lagu dilo Muqdishu, oo xaalkeeda allow sahal ah maalmahan, kadib markii ay ka dhaceen dilal dhowr ah, iyo qaraxyo dad badan lagu dilay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM