​Somalia: Qarax gaystay khasaaro oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Hal ruux ayaa ku dhintay, labo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaarey qarax markale Maanta oo Arbaco ah ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasumadda Soomaaliya. 

Qaraxa oo ka dhashay Bam lagu xiray gaari uu watay Nin magaciisa lagu sheegay Aadan Isxaaq Cabdulle kuna magac-dheeraa (Aadaneey), ayaa ka dhacay nawaaxiga Suuq Boocle, oo katirsan degmada Dharkenley. 

Waxaa ku dhintay weerarkaas Aadaneey oo la sheegay inuu ahaa Macalin Luuqa English-ka ka dhigi jiray Iskuullo ku yaalla Muqdishu,  si aad ahna looga garanayay magaalada, iyadoo labo kale oo la socotay uu soo gaarey dhaawacyo. 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxa uu ahaa "Aadaneey", dadka qaar ayaa sheegaya inuu kamid ahaa Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, halka kuwa kale ay sheegeen inuu ahaa qof shaqadiisa ay tahay Maclin Iskuul oo kaliya.

Wali rasmi ah looma xaqiijin dilka Marxuumka waxa uu salka ku hayo, laakiin Booliska degmada Dharkeenlay ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno, dibna ay kasoo sheegi doonaan sababta iyo cida ka dambaysa. 

Waa qaraxii labaad oo lagu xiray baabuurta raaxada oo qof lagu dilo Muqdishu, oo xaalkeeda allow sahal ah maalmahan, kadib markii ay ka dhaceen dilal dhowr ah, iyo qaraxyo dad badan lagu dilay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM