​Somalia: Qarax iyo Dil ka dhacay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax khasaaro gaystay iyo dil ayaa ka dhacay magaalada Muqdishu saacadii lasoo dhaafay, xili caasumadda Somalia ay isu diyaarinayso Doorashada Madaxweynaha oo lagu wado inay qabsoonto bishan aan ku jirno.

Qarax lagu aasay Bar-koontarool oo ciidamada Booliska ku leeyihiin Ex-control Balcad ayaa waxaa ku geeriyootay 2 qof oo shacab ah, halka 7 kale oo askar ay kamid yihiin soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Saraakiisha amniga ayaa sheegtay in Miino lagu qariyay goob ay ciidamada fariistaan uu ka dhashay qaraxa, kaasi oo ahaa mid aad u xoogan, oo dhawaqiisa laga maqlay xaafadaha ku dhaw Ex-control Balcad.

Falalka Amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdishu, waxaa inta badan sheegata Kooxda xiriirka la leh Al Qaeda ee Al shabaab.

Dhanka kale, Askari katirsan militariga dowladda ayaa toogasho ku dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Nin shacab ah, oo watay Mooto-bajaaj, kadib markii uu ka diiday inuu qaado.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay dilka wadaha Mooto Bajaajka, waxaana uu intaasi ku daray in Askari Dilkaasi geestay oo lagu magacaabo Cabdi Dhiblaawe inuu meesha ka baxsaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM