Somalia: Qarax iyo Dilal ka dhacay magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax xooggan iyo Dilal kala duwan ayaa ka dhacay Muqdishu Saacadihii lasoo dhaafey, xilli Howlgalka Ciidamada Dowladda ee Xalisinta Caasumadda uu galay Todobaadkii labaad.

Dilalka Galabta illaa caawa ka dhacay magaalada waxay gaarayeen saddex, oo labo kamid ah loo geestay Xubno katirsan Ergadii Gobollada dalka kasoo doorey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Cabdisalaan Cabdullahi, wuxuu kamid ahaa Ergadii Koonfur Galbeed wax kasoo dooratay waxaana lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee Muqdishu.

Sidoo kale, Maxamed Abukar oo isna Ergadii Koonfur Galbeed kamid ahaa waxaa lagu dilay Caawa fiidkii Buundada Ansalooti ee degmada Waaberi.

Dilka 3-aad waxaa loo geestay Col. Cabdullahi Cilmi Nuur [Cabdullaahi Raadiyow], oo ahaa Madaxii Gaadiidka Gurmadka Deg Dega (Ambulances), waxaana Kooxo hubaysan ay ku toogteen Siliga Ameerikaanka, oo kamid ah degmada Wadajir.

Kooxaha Dilalkan fuliyay ayaa la sheegay inay dhamaantooda baxsadeen.

Dhanka kale, Qarax ayaa Caawa ka dhacay Isgoyska Banaadir ee Muqdishu, kaasi oo ahaa mid lagu xiray Gaari uu watay Sarkaal hore uga tirsanaa Ciidamada Asluubta dowladda Somalia.

Sarkaalka oo aan wali magaciisa la sheegin ayaa ka badbaaday Isku-day dil ee laguu qaarijin lahaa.

Falalkan ayaa dhacaya xilli dowladda Federaalka ay wado dedaallo lagu nabadeynayo Muqdishu, loogana hortagayo Weerarada isagu jira Qaraxyada iyo Dilalka ee Kooxda Al shabaab xilliga Ramadan-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM