​Somalia: Qarax iyo Howlgal ka dhacay Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia - Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia ayaa Howgal ka sameeyay saaka Xaafadaha degmada Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sarkaal katirsan Booliska Degmada ayaa GO u sheegay in Howlgalka amni  lagu baadi-goobayo raggii ka dambeeyay Bambo Gacmeed lagu weeraray xalay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad Suggida Jowhar.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Xarunta Madaxtooyadda maamulka Hirshabeelle Xalay abaare 8:45 p.m. waqtiga Geeska Africa, waxaana ku dhaawacmen dhowr qof oo shacab ah.

Ciidamada ayaa gaarey goobta, waxaana ay ka sameeyeen Xaafadda uu Qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in ay soo qabteen tiro dhalinyaro ah, kuwaasi oo Su'aallo lagu weydiinayo saldhigga Degmada.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxii xalay ka dhacay Jowhar, oo 90KM dhanka Waqooyi uga beegan magaalada Muqdishu, balse waxaa loo maleynayaa inay ka dambayso Kooxda Al shabaab.

Ciidamada dowladda Somalia ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka inta lagu gudajiro Bisha Barakeysan ee Ramadan-ka, si aysan u dhicin falal Lidi ku ah Ammaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM