​Somalia: Qarax iyo Howlgal ka dhacay Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia - Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia ayaa Howgal ka sameeyay saaka Xaafadaha degmada Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sarkaal katirsan Booliska Degmada ayaa GO u sheegay in Howlgalka amni  lagu baadi-goobayo raggii ka dambeeyay Bambo Gacmeed lagu weeraray xalay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad Suggida Jowhar.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Xarunta Madaxtooyadda maamulka Hirshabeelle Xalay abaare 8:45 p.m. waqtiga Geeska Africa, waxaana ku dhaawacmen dhowr qof oo shacab ah.

Ciidamada ayaa gaarey goobta, waxaana ay ka sameeyeen Xaafadda uu Qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in ay soo qabteen tiro dhalinyaro ah, kuwaasi oo Su'aallo lagu weydiinayo saldhigga Degmada.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxii xalay ka dhacay Jowhar, oo 90KM dhanka Waqooyi uga beegan magaalada Muqdishu, balse waxaa loo maleynayaa inay ka dambayso Kooxda Al shabaab.

Ciidamada dowladda Somalia ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka inta lagu gudajiro Bisha Barakeysan ee Ramadan-ka, si aysan u dhicin falal Lidi ku ah Ammaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM