Somalia: Qarax ka dhacay Kismaayo

Image

KISMAYO, Somalia- Qarax xooggan ayaa caawa ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo gaar ahaan Bar-kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa ammaanka Jubbaland, sidaas waxaa Garowe Online u xaqiijiyay saraakiil katirsan maamulkaas.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Farjano, gaar ahaan Isgoyska Xaaji Jaamac ee Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland Jaamac Axmed Xasan ayaa warbaahinta u sheegay inuusan jirin khasaaro ka dhashay weerarkaas.

Wuxuu xusay inuu qarxay ruuxii isku soo xiray Bambka kaasoo uu tilmaamay inuu doonayay dhibaataynta shacabka Somaliyeed.

“Majirto wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxaas, waxaa qarxa naftii hallige masiibadii uu rabay inuu umadda u gaysto alle ku koobay,”Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidamada Booliiska Jubbaland.

Dhinaca kale mar wax laga weydiiyay qorshaha iyo bartilmaameedka ruuxa is-qarxiyay, wuxuu xusay inaysan macluumaad dheeeri ah ka hayn, balse ay u aqoonsanyihiin kuwa sharwadayaasha ah ee dhibaataynaya shacabka.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa magaalada Kismayo inkastoo loo malaynayo inay howshan ka dambeeyeen kooxda Al Shabaab.

Wuxuu kusoo beegmay xilli xarunta maamulka Jubbaland uu kasocdo dhaq-dhaaqo ku aadan guluf ka dhan ah kooxda Al Shabaab gaar ahaan howlgal laga billaabayo gobollada Jubboyinka iyo Gedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM