​Somalia: Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

Image

KISMAAYO, Somalia- Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhaawacmay Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo xarunta maamulka Jubbaland.

Goobjooge ayaa GO u sheegay in Qaraxa uu ka dhacay Maqaaxi ku taallo nawaaxiga Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Kismaayo, halkaasi oo fariistaan ciidamada Maamulka Jubbaland.

“Qaraxa wuxuu ka dhashay Miino lagu aasay Maqaaxi ku hor taalla Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Kismaayo, waxaana ku dhaawacmay saddex qof oo askar ay kamid yihiin,” ayuu yiri Goobjoogaha oo magaciisa u qariyay sababo amni.

Jaamac Xasan Axmed, oo ah Afhayeenka ciidamada Booliska Jubbaland ayaa sheegay in qaraxa inuusan wax khasaaro ah gaarsiin ciidan Maamulka Jubbaland, ee ku sugnaa meheredda.

Afhayeenka ayaa ku eedeeyay Al Shabaab inay ka danbayso weerarka ka dhacay Kismaayo, isagoo xusay in Kooxdaasi ay u taagan tahay bur-burinta dalka iyo waxyeelaynta Shacabka.

Qaraxa kadib, ciidamada Jubbaland ayaa tagay halka dhibku ka dhacay, waxayna baaritaan ku sameeyeen goobo ganacsi oo aagaas ka furnaa, iyagoo baarayay qaraxyo kale, sida Afhayeenku sheegay.

Weerarka ayaa kusoo beegmayo, xilli Kismaayo ay ka socoto Doorshada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM