Somalia: Qarax lagu qabtay Muqdishu
MUQDISHU, Somalia- Ciidamada Amniga dowladda Federaalka Somalia ayaa saaka qabtey waxyaabaha qarxa kadib howlgallo ay ka sameeyeen Xaafado ku yaalla degmada Waaberi, ee gobolka Banaadir.
Saraakiisha Hay'adaha Amniga ayaa sheegay in ay qabteen Boorso laga soo buuxiyay ashyaada loo adeegsado qaraxa oo la dhigay xalay Xaafadda 21-ka October, kaasi oo lala damacsanaa Bar-koontarool oo halkaasi ku taalla.
Dadka Shacabka ah ayaa laga saarey Xafadaha ku dhaw Goobta qaraxa lagu qabtey, iyadoo loo yeeray Khubaro dhanka qaraxyada qaabilsan, oo kala fur-furey waxyaabahaasi qarxa ee Boorsado lagu qariyay.
Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa shaaciyay in Ciidamada ay ka feejigan yihiin Shirqoolada Al shabaab, islamarkaana kahor tageen dhowr qarax laga fulin lahaa Caasumadda Bisha Ramadan-ka.
Wadooyinka Muhiimka ah ee soo gala Muqdishu waxaa la dhigay Ciidan isku dhaf ah, oo baaraya Gaadiidka ka yimaada Gobollada, iyadoo Gudaha magaaladana uu ka soconaya Howlgallo hubka sharci darrada lagu aruurinayo.
Howlgalka Nabad ku Afur loogu magac-daray ayaa u muuqda mid wax badan ka qabtey amniga Muqdishu, marka laga hadlayo dhanka qaraxyada oo Al shabaab bishan marka la gaaro kodrhin jirtay.
GAROWEONLINE