Somalia: ​Ra'iisal wasaaraha Cusub oo xilka la wareegay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisal wasaaraha cusub ee dalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay dhigiisii hore xafiiska ugala wareegay dhigiisa ka horeeyay Cumar Candirashiid.

Xaflada ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayay labada mas'uul xilka ku kala wareegeen, waxaana kasoo qeyb galay mas'uuliyiin  uu kamid ah ku xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey.

Mr. Kheyre oo ka hadlayay xafladda xil-wareejinta ayaa uga mahadceliyay Cumar Cabdirashiid howshii uu qabtay mudadii uu xilka hayay, waxaana uu ku ammaanay sida wacan uu uu maanta xilka ugu wareejiyay.

Sharma’arke, ayaa hayay talada xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Somalia tan iyo December, 2014, isagoo xilligaasi ahaa Safiirka Somalia ee dalka Mareykanka mud kooban.

Cumar C/rashiid wuxuu 2 sano ku dhow lasoo shaqeeyay dowladdii  Xasan Sheekh Maxa'uud, Madaxweynihii hore ee dalka Somalia, oo dhawaan looga adkaaday dooarshadii ka dhacday Muqdishu February 8. 

Xukuumadii Cumar Cabdirashid ayaan waxba ka qaban dhibaatooyinkii dalka ka jirey marka laga reebo shirarkii doorashooyinka dadban taasoo uu musharax ahaa Ra'isal wasaaraha Somalia.

Xasan Cali Kheyre oo la dhaariyay malaintii shalay, sidoo kalena ay ansixiyeen Baarlamaanka Xildhibaanadiisa ayaa 30-ka maalmood ee soo socoto laga sugayaa inuu soo dhiso Gole wasiirro. 

GAROWEONLINE

Related Articles

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM

Immisa qof ayaa la xaqiijiyay inay saameysay xogta la jabsaday ee E-VISA?

Warbixin qarsoodi ah ayaa shaaca ka qaaday in nidaamka lacag-bixinta ee fiisaha lagu bixiyay Online-ka ka jira musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 08:00AM