Somalia: ​Ra'iisal wasaaraha Cusub oo xilka la wareegay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisal wasaaraha cusub ee dalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay dhigiisii hore xafiiska ugala wareegay dhigiisa ka horeeyay Cumar Candirashiid.

Xaflada ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayay labada mas'uul xilka ku kala wareegeen, waxaana kasoo qeyb galay mas'uuliyiin  uu kamid ah ku xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey.

Mr. Kheyre oo ka hadlayay xafladda xil-wareejinta ayaa uga mahadceliyay Cumar Cabdirashiid howshii uu qabtay mudadii uu xilka hayay, waxaana uu ku ammaanay sida wacan uu uu maanta xilka ugu wareejiyay.

Sharma’arke, ayaa hayay talada xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Somalia tan iyo December, 2014, isagoo xilligaasi ahaa Safiirka Somalia ee dalka Mareykanka mud kooban.

Cumar C/rashiid wuxuu 2 sano ku dhow lasoo shaqeeyay dowladdii  Xasan Sheekh Maxa'uud, Madaxweynihii hore ee dalka Somalia, oo dhawaan looga adkaaday dooarshadii ka dhacday Muqdishu February 8. 

Xukuumadii Cumar Cabdirashid ayaan waxba ka qaban dhibaatooyinkii dalka ka jirey marka laga reebo shirarkii doorashooyinka dadban taasoo uu musharax ahaa Ra'isal wasaaraha Somalia.

Xasan Cali Kheyre oo la dhaariyay malaintii shalay, sidoo kalena ay ansixiyeen Baarlamaanka Xildhibaanadiisa ayaa 30-ka maalmood ee soo socoto laga sugayaa inuu soo dhiso Gole wasiirro. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM