Somalia: Roob doon ka dhacday Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Boqolaal ruux, oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Muqdishu iyo Madax sare oo katirsan dowladda Somalia, ayaa Salaad Roob-doon ah maanta ku tukaday Masjidka Isbahaysiga.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madax kale oo katirsan Baarlamaanka cusub iyo Xukuumadii hore ayaa ka qeyb-galay Salaadda Roob-doonka, taasi oo Madaxweyne Farmaajo iclaamiyay 12-ka Bishan.

Mashaa'iq Soomaaliyeed, macalimiinta Dugsiyada Qur'aanka Kariimka iyo Arday badan, oo kuwa Iskuulada iyo Jaamacadaha dhigta kamid yihiin ayaa si wadajir ah Salaadda ugu tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka.

Culimada ayaa shacabka ku booriyay inay  u gargaaraan Walaalahooda dhibaataysan, ee saameynta ku yeelatay abaarta ka taagan dalka, oo ugu deeqaan waxii ay awoodaan, si loo badbaadiyo nolsha shacab badan.

Ra'iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay dadweynaha Soomalaiyeed dalka iyo dibada kunool inay ka qeyb-qaataan Gurmadka abaaraha, ee hormuudka ah ka tahay dowladiisa cusub.

Mr Kheyre ayaa sheegay in Dalka dadkiisa ayaa wax u qaban karo, gurmadna u samayn karo shacabka ay abaarta ku dhufatay, haddii gacanta la is-qabsado, taasi oo looga maarmi karo in la sugo waqti dheer Hay'adaha caalamiga ah.

Hay'adaha QM iyo kuwa kale ee caalamiga ah ayaa hadda wado qaylo-dhaamin, ay dhaqaalo ku raadinayaan, si ay gargaar bini'aadanimo u soo gaarsiiyaan Somalia Lixda bilood ee soo socoto.

Dad lagu qiyaasay 6.2 Million ayay saamaysay abaarta, kuwaasi oo qarka u saaran Macluul inay uu dhintaan, hadii aysan helin gurmad deg deg ah, oo Cunto, Daawo iyo Biyo isagu jiro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM