Somalia: RW Khayre oo Booqasho ku tago xarumo dowladdu leedahay

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia,Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagey xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka oo sidoo kale ay dagan yihiin Wasaaradaha Caafimaadka iyo Qorshaynta.

Booqashadan ayaa la xariirtay sidii uu ugu kuur-gali lahaa qaabka loogu shaqaynayo bulshada.

Ra'iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradaha oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka, isagoo ka waraystay qaabka ay u howlgalaan.

Is-xog waraysi kadib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha wasaradaha inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.

Ugu danbayn, Xasan Cali Kheyre ayaa guud ahaan shaqaalaha u sheegay inay markasta xasuusnadaan inay hayaan shaqo qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda iyo shacab keeda, islamarkaana ay iska saaraan masuuliyada gaara.

Shalay ayay ahayd markii Xasan Cali Khayre uu booqday, xarunta Dekedda ee Muqdishu.

Xukuumadda uu hogaamiyo ayaa ballan qaaday inay la dagaallami doonto musuqa islamarkaana ka turjumi doonto rabitaanka shacabka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM