Somalia: Saldhiga Ciidanka Kenya ee Taabta oo la weeraray

Image

TAABTA, Somalia - Kooxda Al shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahaneeda ay weerar culus, ku qaadeen saldhigga Ciidanka Kenya ku leeyihiin deegaanta Taabta ee gobolka Jubbada hoose.

Weerarka oo ahaa mid dhowr jiho looga soo qaadey Saldhiga KDF, ayaa isku bedelay dagaal fool-ka-fool ah oo sababay dhimashada 3 askari oo Kenyan ah, sida lagu baahiyay baraha Internet-ka Al shabaab.

Dadka ku nool Taabta ayaa sheegay inay maqlayeen qaraxayada iyo rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, islamarkaana ay jireen madaafiic dhowr ah oo kusoo dhacday deegaankooda.

Waxay intaasi ku dareen in ciidamada Kenya ay iska-caabiyeen dagaalyahanada Al shabaab, islamarkaana ay gaarsiiyay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo tirada aan la ogeyn.

Deegaanka Taabte wuxuu ku yaalla inta u dhaxaysa degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley, oo dhamaan hoostaga maamulka Jubbaland.

Wasaarada Difaaca Kenya kama aysan hadlin weerarka saldhiga Taabta iyo sheegashada Al shabaab ee ah inay dileen Saddex Askari, oo qeyb ka ahaa Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Askar badan oo Kenyan ah ayaa lagu dilay weeraro waaweyn oo Al shabaab ku qaadey saldhigyada Ciidanka Kenya ee Ceel Cadde iyo Kulbiyow tan iyo sanadkii 2016-dii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM