Fahfaahin: Shaqaale Gargaar oo lagu afduubay gobolka Baay

Image

BAYDHABO, Somalia - Wararka aan ka helayno gobolka Baay, ayaa sheegaya in Lix Shaqaale Gargaar ah lagu adfuubay duleedka magaalada Baydhabo, xilli halkaasi ay kawadeen Howlo samafal ah.

Shaqaalahan oo dhamaantood ay yihiin Soomaali, ayaa waxaa laga qafaashay Tuullada Garas Mooshin, oo qiyaastii 20KM dhanka Koonfur uga beegan magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Dabley hubaysan, oo la sheegay inay katirsan yihiin Al shabaab, ayaa ka dambeeyay afduubka samafaliyaashan, oo katirsanaa NGO maxali ah, oo lagu magacaabo GREDO, oo fadhigiisu yahay degmada Buur Hakaba.

Saraakiisha maamulka gobolka Baay ayaa xaqiijiyay afduubka, waxayna intaasi ku dareen in Ciidamada amaanka ay ku raad-joogaan kuwa falkan haystay, islamarkaana ay soo furan doonaan la haystiyaasha.

Bishii July, 7 Shaqaale, oo islana NGO GREDO katirsan ayaa laguu afduubay inta u dhaxaysa Buur Hakabo iyo Baydhabo, waxaana lagu guuleystay in lasoo siii daayay, laboo isbuuc kadib markii madax furasho la bixiyay.

NGO GREDO kama hadlin afduubka shaqaalahiisa, oo inta badan weeraro kala kulma Al shabaab, maadaama ay howlgal quudin iyo nafaqeyn isagu jira ka fuliyeen deegaanada kooxdaasi maamusho

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM